Explore Curriculum

All Courses

Browse our complete catalog of practical, project-based video tutorials. Start from scratch or advance your engineering career.

Showing 1 course

Bootstrap Web Design and Development 1h 57m

Bootstrap 5 Project-Based Tutorials in Somali | Af Soomaali

Ku soo dhowaada koorsada Bootstrap 5 Project-Based Tutorials ee uu idiin soo bandhigayo Engr Daggane (Mohdaggane). Koorsadan waxaad ku baran doontaan sida loo isticmaalo Bootstrap 5 si loo dhiso website-yo casri ah, qurux badan, isla markaana la jaanqaadaya dhammaan qalabka sida kombiyuutarrada, tablets-ka iyo taleefannada gacanta. Waxaan wax ku baran doonnaa hab wax-ku-ool ah (*Project-Based Learning), annagoo cashar kasta ku dabaqayna tusaalooyin iyo mashaariic dhab ah. Waxaad si tartiib-tartiib ah u baran doontaan qaabeynta bogagga internetka, isticmaalka Bootstrap components, grids, navigation bars, buttons, forms, cards iyo responsive design. Waxyaabaha aad koorsadan ku baran doontaan: - Fahamka Bootstrap 5 iyo sida loo isticmaalo. - Dhisidda website-yo responsive ah. - Isticmaalka Grid System iyo Bootstrap Components. - Qurxinta iyo habeynta bogagga internetka. - Dhisidda mashaariic dhab ah adigoo adeegsanaya aqoonta aad baratay. - Horumarinta xirfadaha web development-ka. Koorsadan waxay ku habboon tahay ardayda jaamacadaha, bilowga barashada web development-ka iyo qof kasta oo doonaya inuu horumariyo xirfaddiisa dhisidda website-yada. Ujeeddadeennu waa inaad barato adigoo wax dhisaya, kuna dabaqaya aqoonta aad hesho mashaariic dhab ah. 📺 Subscribe saar kanaalka Mohamed Abdi Ali – Engr Daggane si aad ula socoto casharro kale oo ku saabsan programming, web development iyo teknoolojiyadda. #Bootstrap5 #WebDevelopment #BaroProgramming #EngrDaggane #Mohdaggane

  • 10 lessons
  • 1h 57m
  • 1 chapter
  • 5.0 (1)